Koorasadan waa mid loogu talagalay dadka raba in ay bartaan xirfadaha aasaasiga ah ee kombiyuutarka, gaar ahaan kuwa aan horay u lahayn aqoon iyo xirfad ku saabsan teknoolojiyada. Waxyaabaha lagu barto waxaa ka mid ah isticmaalka Microsoft Office (Word, Excel, PowerPoint), isticmaasha qalabka kombiyuutarka, kaydinta iyo ilaalinta xogta, iyo fahamka aasaasiga ah ee habka internet-ka iyo email-ka u shaqeeyaan.
Aqoonta Aasaasiga ah ee Shaqooyinka Badan: Barashada xirfadaha kombiyuutarka aasaasiga ah waa muhiim maadaama ay tahay shuruud u ah shaqooyin badan oo maanta jira, gaar ahaan xafiisyada.
Fududeynta Shaqooyinka Maalinlaha ah: Ardaydu waxay bartaan sida ay u isticmaalayaan software-yada xafiisyada si ay ugu fududaato qorista dokumentiyada, samaynta tirakoobyada, iyo sameynta soo bandhigidaha.
Shaqooyinka oo La Helo: Marka ardaydu ay bartaan xirfadaha aasaasiga ah ee kombiyuutarka, waxay heli karaan shaqooyin xafiisyo badan, meelaha waxbarashada iyo xitaa ganacsiyada yar yar.